Jump to content

Funaanad

Ka Wikipedia
Boga "Garan halkan ayaa laga soo toosiyay.
Funaanad cirdhow ah.
Maalinka funaanadaha aduunka Leipzig
Replica of a Copa Libertadores 1989 shirt

Funaanad (Af Ingiriis : T-shirt; Af Carabi : ar‎) sidoo kale loo yaqaano Garan, waa dhar laga hoos gashado shaaiyada, inta badan malahan galuusyo, sidoo kale inta badan malahan wax jeeb ah. funaanada malahan kuleeti, waxee leedahay qoor aad u gaaban.

Hordhac

Funaanadu wuxuu ka mid yahay dharka joogtada ah ee rag iyo dumarba isticmaalaan kaasi oo loo xidho in jidhka ka difaaco dhaxanta iyo qaboowga. Sidoo kale, garanka waxaa loo xidhaa xarago iyo isqurxin, dunida maanta waxaa jira shaqooyinka qaar ay khasab tahay in shaqaaluhu ku soo labistaan koodh. Guud ahaan, garanku waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Shaadhku wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee shaadhasha waxaa ka mid ah raqabada, jeeb iyo galuusyo (badhano) badan oo laabta ku dhex yaala.[1]

Magaca

Ereyga Garan asal ahaan waa mid Af-Ingiriis ah oo waxaan ka soo xiganahay luuqadaasi Ingiriiska ereyga Garment.[2]

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar‎) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[3] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[4][5]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

  1. William L. Brown III, "Some Thoughts on Men's Shirts in America, 1750-1900", Thomas Publications, Gettysburg, PA 1999. ISBN 1-57747-048-6, p. 7
  2. Dorothy K. Burnham, "Cut My Cote", Royal Ontario Museum, Toronto, Ontario 1973. ISBN 0-88854-046-9, p. 14
  3. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 23–25
  4. "surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha"
  5. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 54