Jump to content

Axalka siilka

Ka Wikipedia
agool axal ah oo nigis ku suntan ugxanta darteed
agool axal ah oo nigis ku suntan xayl iyo ugxanta darteed

Axalka Siilka (ingiriis: vaginal discharge), waa isku-darka dareere, unugyo, iyo bakteeriyada ka caawiya dhaashiga iyo ilaalinta siilka. Isku-darkan waxaa si joogto ah u soo saara unugyada siilka iyo ilmosideenka, wuxuuna ka baxaa jirka iyada oo loo marayo gedefta siilka. Qaybaha, tayada, iyo mugta axalka ayaa ku kala duwan shakhsiyaadka, waxaana sidoo kale ku kala duwanaan kara wareegga xaylka iyo marxaladaha horumarka saxaaxda, baaluqnimada iyo taranka. Axalka siilka ee caadiga ah wuxuu lahaan karaa cumur khafiif oo biyaha camal ah ama cumur adag ama mid dhegdheg iyo mandhareer ah, wuxuuna noqon karaa mid xalliiban ama cadaan. Axalka siilka ee caadiga ah waxaa laga yaabaa inuu noqdo mid badan, laakiin badanaa ma laha ur xoog leh, sidoo kalena ma ahan mid la xiriira cuncun ama xanuun.